Prof. Bursaliid iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed oo maxkamad la soo taagay.

Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid iyo saddex dhalinyaro Soomaali ah oo kale ayaa la soo taagay maxkabad ku taalla Magaalada Nairobi caasimada dalka  Kenya.

Raggan ayaa laamaha ammaanka Kenya ku eedeeyeen in ay xiriidh la leeyihiin Ururo Argagaxiso sidaasna ay ku soo qabteen sida laga soo xigtay Warbaahinta Gudaha Kenya oo warkaan qortay .

Muddo afar Maalmood oo xabsi ku sii hay ayaa loo jaray Prof  Faarax Ibraahim Bursaliid oo ah aqoonyahan ka faalooda arimaha Geeska Afrika sidoo kale wax uu Bare ka ahaa Jaamacada ku yaala Kenya iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Sababta loo Xiray Prof ayaa dadka qaar ku sheegeen Maqaalka uu ku qoray wargayska ugu afka dheer Kenya Daily Nation oo uu uga hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo haatan meeshii ugu xumeed gaaray.

Bursaliid, ayaa maalintii shalay lagu xiray magaalada Nairobi waxaana gurigiisa ka kaxaystay Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya , waxaana jira dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ku nool ku sugan Nairobi.

MM Staff

Read Previous

Abiy Ahmed oo lagu soo dhaweeyay Khartoum, Sawirro.

Read Next

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baydhabo tababar ugu furaya ciidamo ka tirsan kuwa xoogga.