Abiy Ahmed oo lagu soo dhaweeyay Khartoum, Sawirro.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Khartoum Caasimadda dalka ee Suudaan.

Raiisul Wasaare Abiy ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Khartuum halkaasi oo Saraakiisha Cidamada Dalkaasi uga hortageen iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Khartoum kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Militariga Suudan iyo Mas’uuliyiin kale.

Image may contain: 2 people, people sitting

Saraakiil ka tirsan Golaha Milatariga Suudaan ayaa horay u tagay Addis waxa ayna kulamo la qaateen Abiy Ahmed oo ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa Xukumada.

Image may contain: 5 people, people standing

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo ka qaato Golaha Militariga Suudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta uu booqashada ku joogo dalkaas.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

MM Staff

Read Previous

Maxaa kajira isdaldalaadda Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kadhacday Muqdisho?

Read Next

Prof. Bursaliid iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed oo maxkamad la soo taagay.