MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Goolhayaha reer England Jordan Pickford ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay Everton isagoo saxiixay qandaraas lix sano ah oo kooxda ka dhisan Merseyside kula soo joogayo ilaa 2024.
Goolhayihii hore ee Sunderland ayaa go’aansaday in uu mustaqbalkiisa siiyo kooxda Evertoon.
Chelsea ayaa xili hore xiiseyneysa saxiixa 24 jirkaan, hase yeeshee waxa uu haatan heshiis ku gaaray inuu baaqi kusii ahaado Goodison Park.
Kadib markii uu qalinka ku doonayaa isagoo ka hadlayay website-ka kooxda waxaa uu yiri: “Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan mustaqbalkeeyga u hibeeyo kooxdeysa waana go’aan aan qaatay oo aan ku saxanahay ayuu yiri Pickford.
