Nuxurka Khudbadda Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan go’aanka ay Dowladda ku eriday Imaaradka Carabta.

 “Nasiib darro dowladda Imaaraadka noolama dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan, marar badan ayaan ka dalbannay in ay nala dhaqmaan sidii dowlad mid ah.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qaadayaan tillaabo kasta si loo ilaaliyo midnimada dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay qaadi doontaa tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca qarannimadayna, mana jirto cid looga heebaysanaya difaaca Qaranka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo yiri “Go’aannada Dowladda gaareyso cid gaar ah ma saameynayo, nolosha dadka Soomaaliyeed iyo madaxbannaanidooda waxaa naga saaran mas’uuliyad”

Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku soo aadaya xilli go’aan gole wasiir lagu buriyay heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Madasha Mucaaradka oo aan ka falcelin go’aanka XFS ay ku ceyrisay Imaaraatka

Read Next

Elon Musk oo sii hurinaya dibadbaxyada Iiraan