Nin xaaskiisa ku dilay Muqdisho., Wareysi

Nin la sheegay in madaxa looga jiro ayaa saaka xaaskiisa ku dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna xaafadda Sarkuus .

Ninkan ayaa waxaa uu Xaaskiisa dilkeeda u adeegsaday Baangad, Xaaska dhimatay ayaa u dhashay 5 Carruur ah.

Waxaa lagu magacaabayay Hiddaayo Fiidow, waxaana ay u dhaxday Calas Geelle Salaad,oo ah Ninka ay saaka gacantiisa ku baxday.

Cabdullahi Xuseen ayaa sheegay in Ninkan isaga oo waalan xaaska loo guuriyay,kaddibna uu caafimaaday,hase ahaatee falkan lagu arkay.

Calas ayaa sidoo kale dhaawacay labo ka mid ah Caruurtiisa,Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay Ninka dilay xaaskiisa.

Calas iyo Hiddaayo ayaa muddo wada noolaa,waxaana Mustaqbal Radio dilkan uga warramay Cabdullahi Xuseen oo ah Abtiga wiilka wax dilay.

Dhegeysi,Wareysiga Cabdullahi Huseen oo la hadlay Mustaqbal Radio.

Mustaqbal media

Read Previous

Dowlad Goboleedyada oo D.Federaalka ku eedeeyay Khilaafka Galmudug

Read Next

Degmada Shibis oo usoo baxday fiinaalka tartankakubadda Cagta degmooyinka.