Nin 30 Sano, subax kasta Isbitaalka booqda.

Cali Ibraahim Al-Muusa,waxaa uu soddonkii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u booqanayay Isbitaalka Magaalada Majaaxa ee Dalka Sucuudiga.

Sida ay qortay Al-Carabiya Cali ayaa subax walba la kulma Bukaannada,waxaa uu weydiiyaa xaaladdooda,waa uu u duceeyaa.

Hadda waxaa uu noqday da’ laakiin wali kama quusan booqashada Isbitaalka,subax kasta wiilkiisa ayaa gaari ku geeya xarunta Isbitaalka.

Maamulka  Isbitaalka Hawtat Sudair, ayaa u gartay Cali Ibraahim haddiyado dhowr ah,waxaa ka mid ahaa billado la guddoonsiiyay iyo qalab kale.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay,hal subax kama baaqan Isbitaalka Hawtat Sudair,waxaana uu si joogto ah u tagayay xarunta Isbitaalka.

Mustaqbal media

Read Previous

China oo markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Read Next

Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho