MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Richard Anthony Jones, ayaa dhameystay Xabsi 17 Sano ah oo uu ku muteystay dambi uusan isaga geysan hayeeshee uu galay in ay isu ekyihiin.
Maxkamad ku taalla Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka ayaa u xukuntay magdhow loo siiyay lacag dhan $1.1Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Kansas, General Derek Schmidt, ayaa sheegay in iyaga oo raacaya xeerka xukunnada qaldama ay Ninkaasi u xukumeen magdhow gaaraya $1.1milyan oo dollar ah.
Jones ,ayaa xukunkaasi ku dhacay sanadkii 1999,waxaana xilligaas lagu eedeeyay in uu Haweeney ku dhacay Suuqa Walmart lagu magacaabo, laakiin isaga ma noqon oo Nin ay isu ekyihiin ayaa dhacay gabadhaas.

Goobjoogayaasha ayaa booliska u sheegay in Nin Afrikan Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Rick uu Gabadha ka xoogay boorsada kalana baxay Taleefankii ay wadatay.

Booliska ayaa dabagal ay sameeyeen kaddib gacanta ku soo dhigay Richard Anthony Jones, oo aan ahayn ninkii saxda ahaa ee dhaca geystay,waxaana ku dhacay xukunka .
Ninka falkan geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Ricky Amos, kaas oo ka badbaaday Booliska.
Maxkamadda Gobolka ayaa amartay in Jones la siiyo shahaaddada dhibbanaha,in wixii dhaawac ee soo gaaray laga daweeyo, in uu si bilaash ah ku helo qorsha caafimaad ee 2019 ilaa 2020ka ee Gobolka Kansas
