Neecawda Ramadaanta.

W/Q:Cabdiraxmaan Bashiir

1.Ma ihi Calmaani,sidoo kale na ma ihi Salafi,mana ihi khuraafaadle, ma collaadiyo Suufiyadda hababkeeda iyo afkaarteeda oo dhan, ma ihi siyaasi, mana ihi doqon,arrimahani waa kuwo is-barkan,dadka badankooduna waxa ay uga hadlaan arrimahan si fudud oo sahlan.

2. Ma ihi waaniye(waacid),mana ihi mid u hadla uun anna waykan, ma ihi Faqiih,mana ihi fikir-curiye kaliya,waxa aan isku dayaa in aan u dhawaado Fuqahada luqaddooda cilmiyaysan ee faraha badan isla jeerkaana xooggan,sidoo kale waxa aan isku dayaa intii karaankayga ah in aan kulmiyo fikirka iyo Fiqiga.

3. ma ihi Afrikaan dhalad ah,mana ihi sidoo kale Carab badhax-tiran,hase ahaatee waxa aan ogsoonahay in aan ahay Africaan goob ahaan,Carab af ahaan, ma ihi mid xambaarsan aqoon iyo dhaqan Carbeed,mana ihi sidoo kale mid sita aqoon iyo dhaqan reer Galbeed ,hase ahaatee waxa aan ahay mid aad u akhriya fikirka islaamka,meelaha uu ka soo bilaabmay oo dhan iyo hormuudkiisaba iyo fikirka basharku wixii uu daaha ka faydo iyo meelaha saldhigga u ah ba,Qur’aanka Ayaan la noolahay(u bishaaree Adoomahayga,kuwa dhagaysanaya Hadalka,dabadeed raaca kiisa wanaagsan).

4. Addoon uma ihi Casrinnimada(modernity),sidoo kale na addoon uma ihi Mahadhada(Taariikhda),waayo addoonnimadu waa tilmaan dhaleecaysan,hase ahaatee marka dhanka fikirka ay soo gasho ayaa ay ka khatar badan tahay,mararka qaar arday ayaan noqdaa si aan wax u faa’ido, hase ahaate ma noqdo qof dul yuurursanaada waligii madarasad fikir oo gaar ah,waxa aan akhriyaa afkaarta Karl Marx iyo Max Weber,si aanaan cid kale wax uga faa’idin ayaan uga faa’iday,si fudud ayaanaan uga gudbay afkaartoodii,Ibn Taymiyah ayaan is na afkaartiisa muddo badan akhrinayay-Alle ha u naxariistee-,walina waan akhriyaa afkaartiisa,hase ahaatee marnaba ma aan noqon Taymi,waayo addoonnimadu waa dhib,waliba marka ay soo gasho dunida afkaarta dhiillo(masiibo) weyn ayay noqotaa, waliba marka dadka qaar shaadh-diimeed huwiyaan ayaa la waayaa doorkii caqligu doorashada ku lahaa.

5. Ma ihi malag la dahiray, mana ihi ergay(Rasuul) aan dambaabin,sidoo kale na ma ihi noole dareenno hagaan,Shaydaan la fogeeyayna ma ihi,waxa laga yaabaa in aan noolaado milayo(amminno,wakhtiyo) aan caadi ahayn,waa waakhtiyo ruuxaaniyad miidhan ah,taas oo keensata in aan nolosha u arko mid aan qiimo lahayn,amminno kale na waxa laga yaabaa in aan u noolaado haqab-tirka baahida jidheed,dabadeeto noloshaba aan ka dhex arko maaddada(I taabsiida,wixii aan ruuxi ahayn oo dhan),
Waxa laga yaabaa in aan noolaado wakhtiyo mugdi ku gaddaaman yahay,oon ku fikiro aargoosasho,dhammantood na waa amminno banii’aadamku noolaado,qofka aniga ii fiirsadaana waa uu arki karaa arrintaas,sidaasi darteed yaanu qof na i xukumin,waayo bashar ayaan ahay,iskumana dayayo in aan basharnimada ka xuubsiibto.

6. Sida aan hore u carabaabay ma ihi Taymi, hase ahaatee waan jecelahay Ibn Taymiyah soohdin la’aan,
Waayo daliil la’aan waxba ma gaalaysiiyo, qof na Alle-ka-fogaansho kuma xukumo habraac la’aan,bidcana qof kuma shaanbadeeyo daliil la’aan,waxa uu ka soo horjeestay habraaca Qasaali ee Falsafadda iyo Mandiqa,waxa uu gees iskaga riixay Manhajka Ibn Rushdi ee Falsafadda iyo Mandiqa,waxa uuna qoray dhiganihiisa/kiitaabkiisa(الرد على المنطقيين),sidaasi darteedbaa Faylasuuf loogu xisaabiyaa,hase ahaatee afka Qur’aanka ayuu ku fuudhiyaa,Falsafad ayuu leeyahay,se cilmi ayaa halbeeg u ah,waxa aan la yaabaa dadka qaar oo Ibn Taymiyah ku eega indho buka,sidaasi darteedna wax silloon mooyaane wax kale kama qoraan.

7. ma ihi aqoonyahan aan mawqif lahayn,caalim aan qaddiyad u dirirayninna ma ihi,sidoo kalena ma ihi qof aan ahaanshiyo lahayn,ma ihi bil’aadan aan jiritaan lahayn,muwaadin bilaa jiho ah na ma ihi, qadiyad weyn ayaan u noolahay,waa xornimo basharka oo dhami helo,Islaamkuna waa diin milgaha iyo maamuuska basharka dhawrta, weedha Islaamka ayaan xambaarsanahay sidaan u fahmayna waan u faafinayaa anoon ka khajilayn,bal e waan ku faanayaa(yaa ka hadal wanaagsan qof Alle dhankiisa dadka ugu baaqaya,camal suubanna sameeyay isla jeerkaana yidhi Muslimka ayaan ka mid ahay),agtayda qofka caalimka ahi haddii aanu aragti la hayn waxa uu ka dhigan yahay geed bilaa midho ah,aqoonyanku marka uu noqdo qof aan qaddiyad u halgamayn waxa uu la mid yahay daruur aan roob ka hoorin,maktabad meel ka qotonta wax aan ahayn ma aha, oo muxuu Al-cis Bin Cabdisalaam ku galay Taariikhda? Oo maxay Mahadhadu u dhowrtay geesinnimadii Saciid Bin Jubayr? Oo muxuu Ibn Taymiyah u noqday nin wanaagga iyo hagaajinta bulshada ku hawllan ammin kasta? Oo muxuu u noqday Ibn Xanbal mid figta u saraysa aqoonta ku suntan taariikhda dhexdeeda? Waa mawqifka sharciga ah ee uu istaagay isaga oo ku lammaan aqoon.

8. kuma sugni xayndaabka weyn ee siyaasadeed(Wadanka) oo kaliya, kumana koobni xayndaabka bulsheed ee baaxadda leh(shacabka daboolan),bal e waxa aan ku suganahay barxadda bani’aadamnimada marka ay timaado wax qaadasho iyo wax bixin ba, waxa aan leeyahay tixraac kama dambaysa ah oo loo noqdo(Marjiciyah) taas oo ka saraysa meelaha loo laabto oo dhan, meeshaa tixraaca ii ahi wax ka beddelid laguma samayn karo,kaliya waxa ay u baahantahay waa in si wacan loo fahmo asal ahaan iyo cusboonaysiin ahaanba.
9. ma ihi mid bilaa jiho ah si aan u beddelo maqaarkayga sannadkiiba mar ama laba jeer, ma ihi bilaa saldhig si aan ugu noolaado habka la i la rabo,laakiin qanacsanaan ayaan ku noolahay,manhajkayga ayaan ku sii dhegaa munaafaqnimo aniga oo ka madhan,qof af-duubban ma ihi e horumarka waan u laab furanahay,hase ahaatee laba-wajiilaynta la iskuma kaaya oga,kuma sugni manhajka Faqiiha sugaya xukunka madaxweynaha si uu aragtidiisa Fiqhi u beddelo iyo mawqifkiisa diineed,waan darsaa go’aanadayda si xuriyad iyo madax-bannaani ku dheehan tahay,qofna ugama fasax qaato akhrintayda iyo dib-isku-eegidda(isa-sixidda),waa mahad Ilaahay.

10. marka aan diinta akhrinayo ma ihi qof kakan oo qalafsan,sidaas ayaanan ahaa ilaa yaraantaydii, mana ihi mid diinta fududeeya bilaa daliil,kama aan hor iman in aan nolosha ku raaxaysto aniga oo ku qanacsan fahamka diineed ee ka soo if-baxay Sucuudiga,maantana qudha oo la iska jaro baqo laga baqaayo darteed ayaa uu xisaab la’aan dib-u-gurasho la yimid Caa’id Al-Qarni,se anigu waxa aan u arkaa diinta mid fudud oo wanaagsan,cibaadooyin quluubta hufaaya,hab-dhaqan(Akhlaaq) qofeed iyo mid wadareed oo horseeda ilbaxnnimo, wada-dhaqan ku dhisaalan(salaysan) mabda ah( Xaaraani ma jirto jeeroo la helo daliil sax ah oo cad),
Iyo nolol quruxbadan oo ku dhisan fikrad ah( bil’aadan waxa asal u ah dambi la’aan) iyo xidhiidho ku qotoma
is-caawin iyo isku-gargaarid basharka dhexdooda marta si kasta oo ay diimahooda iyo afkaartoodu u kala geddisnaato(waxa aanu idinka dhignay ummado iyo qabiilooyin kala duwan si aad isku garataan).

10. Cidna adoon uma ihi,se waxa aan ahay xor ka madax-bannaan qof kasta,intaa waxa laga soo reebayaa uun in aan addoon u ahay Alle oo kaliya,waayo isagu uu mutaystay,waa ka nolosha ina siiyay,heshiisyada dadku dhigtaan waan ixtiraamaa wax kasta oo ay tahayba,waayo taasi waxa ay qayb ka tahay xornimada qofka(oofiya heshiisyada), waan xushmeeyaa xuquuqda dadka kale ku leeyihiin nolosha dhexdeeda sida aan uga doonayo aniguba in ay xuquuqdayda u dhawraan,nolosho dhadhan yeelan mayso arrintaa la’aanteed.

Waxa hala-tabiyay: Hamze Mohamed Muse.

Aragtidaada noogu soo dir: aragtida@mustaqbalradio.net

MM Staff

Read Previous

XUSUUS XANUUN BADAN!

Read Next

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo wade Mooto Bajaaj ku dilay Weydoow.