Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wararka ka imaanaya deegaanka Weydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay ku dileen wiil wade ka ahaa mooto Bajaaj.
Goobjoogayaal ku sugan Weydow oo la hadlay warbaahinta Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyay dhimashada wiilka wadaha ka ahaa Mooto Bajaajta oo CiidankaDowlada ay ku dileen goor dhaw.
Sida wararku sheegayaan toogashada waxaa geystay mid kamid ah askar saarnaa gaariga Cabdi Bilaha ah, iyadoo uu rasaas ku furay nin Wade ka ahaa Mooto Bajaaj daba socotay gaariga Ciidanka ay wateen oo dhinaca Afgooye ku sii jeeday.
Meydka ninka la dilay waxaa la keenay xarunta baarista danbiya ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday, sida loogu sameeyo baaritaano la xariira dhimashadiisa.
Waxaa Magaalada Muqdisho marar badan ka dhacay falal noocaan ah waxaana Saraakiisha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sheegaan in ay wax laga qabano,walow aysan Muuqan ilaa hada wax laga qabtay dilka wadayaasha Moota Bajaajta.
