MW Xasan Sheekh oo kulamo ka wado degmada Cadale ee Gobalka Shabellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Degmada Cadale kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Madaxweynaha iyo odoyaasha degmada Cadalle ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hawlgallada  iyo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada ku boorriyay  in ay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo bogaadiyay sida ay u socdaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulankaan uu Madaxeynaha la qaatay odoyaasha iyo waxgaradka degmada Cadalle, ayaa imaanay xilli uu madaxweynaha ku sugan yahay Degmada Cadalle ee gobalka Shabeellaha Dhexe uu ka wado abaabulka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Booliska Puntland oo war ka soo saaray gaari hori looga dhacay Xafiiska Hantidhawrka guud ee Puntland

Read Next

Militariga Suudaan oo dib ula wareegay Xaruumaha Dawladda