MW Jabuuti “Imaaraatka waa Hormuudka Israa’iil ee Gobolka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay Wargayska Jeune Afrique ayaa eedeyn culus u jeediyay Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil isaga oo oo ka digay dhibaatooyinka kusoo wajahan Geeska Afrika.

Waxa uu arrin laga walaaco oo culayskeeda leh ku tilmaamay qorshaha Israa’iil ay ku doonayso in ay kusoo degto Dekedda Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya, indhaha Yuhuudda usoo jeediyay Soomaaliya ayuu ku tilmaamay in ay yihiin Imaaraatka.

Madaxweyne Geelle ayaa xusay in Jabuuti intii awooddeeda ah ay xoogga saarayso in ay kahortagto halista kusoo wajahan Qaaradda Afrika gaar ahaan Geeska isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay dhibaato guud tahay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya.

“Imaaraatka waa Hormuudka Israa’iil, waxa uu dalkaas hoggaan u yahay isbaddelka ka socda Gobolka, waxa uu ku lug leeyahay khiaafaadka Dalal kala duwan sida Yemen, Sudan, Somalia, Chad & Libya” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Si cad ayuu u shaaciyay in Dalkiisa uu Sacuudiga iyo Dalalka kale ee Nabadda Jecel kala shaqaynayo sidii looga hortagi lahaa sharta Imaaraatka iyo Israa’iil ay la damacsan yihiin Geeska Afrika sida uu hadalkiisa ku sheegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mar wax laga waydiiyay xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusay Ismaaciil Cumar Geelle in uu yahay mid qabow, isaga oo sii hadlay waxa uu intaas ku daray In Jabuuti ay diiday in ay la kulanto ama la hadasho Hoggaamiye Cirro.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay safka hore uga jirtaa Dalalka diidan in ay Israa’iil soo degto Waqooyi Galbeed Soomaaliya, waxa ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah Maamulka Cirro sida in ay ka joojisay Baasaboorradii ay ku safri jireen iyo duullimaadkii Jabuuti & Hargaysa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xubnaha Mucaaradka ah ee saluugsan wax ka baddelka Dastuurka oo shir uga furmaya Muqdisho

Read Next

Ingiriiska, Maraykanka, Canada, Shiinaha, India & Dalal kale oo Muwaadiniintooda ka joojiyay u safarka Iiraan