MW: Farmaajo, Abiy iyo Afwerki oo ku kulmaya gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah u ambabaxo magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya.

Agaasimaha xafiiska warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in Madaxweynaha uu maanta safar u yahay Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska shirkii isdhexgalka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee dalka Eretrea Laba bil ka hor.

Somaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardar geliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Mustaqbal media

Read Previous

Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maanta Maxkamad ka soo muuqanaya.

Read Next

Ciidamada amaanka oo xabsiga dhigay wadihii gaariga lagu qarxiyay Xildhibaan Cabdi weli Maxamed.