Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in markale maxkamad la soo taago madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida Cabdi Maxamuud Cumar.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen maxkamaddan inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey Afartii goor ee hore.
Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.
Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii August, kadib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.
