Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isla markaana soo dhaweyn sare loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka hadlay caqabaddii uu kala kulmay Dalka laga soo celiyay ee Maraykanka.
Cumar Cartan ayaa sheegay in dhacdadaasi aanay saamayn ku reebi doonnin hibadiisa garsoorenimo sidoo kalena uu diyaar u yahay ka qaybgalka Koobka Adduunka kan xiga ee 2030 iyo tartamada kale ee caalamiga ah.
Waxa uu bogaadiyay soo dhaweynta iyo garab istaagga loo sameeyay isaga oo xusay in uu diyaar u yahay sare usii qaadista xirfaddiisa Kubadda Cagta ee dhinaca Garsoorka si uu usii gaaro meelo ka sarreeya halka uu maanta joogo.
“Waxaan idin ballan qaadayaa Koobka Adduunka ee soo socda in aan tagi doona, meel fiican aan ka tagi doona, Shacabka Soomaaliyeed taas haku bishaaraystaan.” Sidaasi waxaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan
Waa uu sii hadlay waxaana uu shacabka Soomaaliyeed uu u diray fariintaan “Soomaaliya ayaan leenahay haddii ay xumaato ama ay wanaagsanaato waana in aan difaacnaa oo aanay ka niyad-jabin Dalkeenna”.
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka, xiriirka Cayaaraha, Bulshada iyo Dadweyne kala duwan ayaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Mustaqbal
