Maraykanka oo ku dhawaaqay in oo soo gabagabeeyay weerarradii Militari ee Iiraan ku qaadayay

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay soo gabagabaysay weerarradii ka dhanka ahaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Washington ayaa shaacisay in weerarrada jawaabta ahaa lagu beegsaday goobo muhiim ah.

War kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee loosoo gaabiyo CENTCOM ayaa lagu sheegay in muddada howlgalladaas ay socdeen la beegsaday Talisyo muhiim u ah Dowlada Iiraan waa sida hadalka loo dhigay.

Washington ayaa xustay in ay kordhinayso feejignaanteeda iyada oo ku goodisay in ay jawaab kale bixin doonno haddii markale ay Iiraan duullaan ku qaaddo talisyada, Diyaaradaha iyo Danaha Maraykanka ee Gobolka.

Iiraan ayaa soo ridday Diyaarad ay leedahay Dowladda Maraykanka, waxa ay taasi dhalisay falcelin ka timid dhinaca Maraykanka oo duqeeyay goobo kala duwan oo Dalkaas kamid ah, waxaana hakad muddo kooban uu ku yimid xabbad-joojintii taagnayd.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muxuu Garsoore Cumar Cartan u ballan qaaday Shacabka Soomaaliyeed?

Read Next

Puntland oo xukun lacag & Xabsi isugu jira ku ridday gacansiinta Burcad Badeed