Muqdisho: Nin walaalkii Middi ku dilay

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, nin xanunsanaayay ayaa walaalkiis wuxuu ku dilay Degmada Dharkiinley.

Ninka xanuunsanaayay, ayaa la sheegay muddo inuu ku xirnaa banaanka guriga, kadibna saaka uu soo baxsaday isaga oo toorey u adeegsaday dilka walaalkiis.

Qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay ninka waalnaa ee falkaasi gaystay inuu ka baxsaday goobta.

“Ninkaan wuu xanuunsanaa muddo ayuu xirnaa Banaanka guriga ayuuna ku xirnaa, laakiin saaka afar saac ayuu meeshii uu ku xirnaa ka soo fakaday tooreyda nooca hilibka lagu qalo, ayuu soo qaatay markii uu guriga soo galay wuxuu caloosha ka galiyay walaalkiisa, kadibna qoorta ayuu kaga dhuftay tooreyda sidaas ayuuna ku dhintay.” Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya maalmahan Magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkii hore ay aheyd markii nin qurbaha ka yimid walaalkiis uu ku dilay Magaalada gudaheeda.

Mustaqbal media

Read Previous

Obama oo maanta gaaray Nairobi,Sawirro

Read Next

Dhamaad: Xulka France oo garaacay Xulka Croatia kuna guuleystay Koobka Adduunka Russia 2018.