Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Kooxda reer Manchester ee United ayaanan wali ka quusan saxiixa laacibka kooxda Lazio iyo xulka Serbia Savic.
Majalada SKY ITALI ayaa warineysa in macalinka United uu daawaday 23-jirkaan qadka dhexe uga dheela Serbia kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Montenegro
horyaalka qaramada yurub isagoona weli xiiseynaya laacibkan.
Mourinho ayaa cadeyay inuu doonayo laacibka Lazio ka hor koobkii adduunka laakiin haatan waa mid uu kor u kacay qiimihiisa kaddib markii uu dhamaaday xagaaga.
United ayaa isaga baxday heshiiskaa laakiin Mourinho wuxuu isha ku hayaa inuu lasoo saxiixdo bisha January haddi qiimaha lacageed la isku af garto.
Milinkovic-Savic ayaa ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Lazio bishaan, taasoo ka dhigeysa laacibkii hore ee Genk kan ugu qaalisan xiddigaha qadka dhexe ka ciyaara caalamka.
