Meydka Diblomaasi Mareykan ah oo laga helay Madagascar

Meydka Diblomaasi Mareykan ah ayaa laga helay dhisme uu ka degganaa Dalka Madagascar,waxaana ilaa hadda la shaacin cidda dishay.

Heather Nauert, oo ah Afhayeenad u hadashay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Wasaaradda arrimaha dibadda,Hay’adda C.I.A iyo Dowladda Madagascar ay baarayaan sababta dhimashadiisa.

Waxaa ay tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay,waxana ay intaas ku dartay in dilkiisa,faahfaahinta magaciisa iyo shaqadiisaba dib laga soo sheegayo.

Meydka Diblomaasiga ayaa la helay Habeenkii Sabtiga ee Jimcaha baxaysay,waxaana baaritaan wadajir ah wada dalalka Mareykanka iyo Madagascar.

Mustaqbal media

Read Previous

Edin Hazard iyo Kante oo kaso muqday Safka Ugu Fiican Adduunka Ee FIFApro.

Read Next

Sida loo codeeyay iyo codadka ay heleen xidigaha u tar-tamayay Abaalmarinta FIFA The Pest.