Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Xafladii weyneyd ee xalay ka dhacday London ayaa waxaa lagu bixiyay abaalmarino kala duwan xidiga ugu fiican waxaa ku guuleystay Modric.
Hadaba waxaan fiirindoonaa codadka ay heleen iyo sida ay u dhacday codeynta xidiga ugu fiican Aduunka.
Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Leo Messi ayaa codkiisa siiyay xidigaha 1. Modric 2. Mbappe 3. Ronaldo.
Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa codkiisa siiyay xidigaha 1-Varane
2- Modric 3-Griezmann.
Tababaraha xulka France ee Didier Deschamps ayaa codkiisa siiyay laacibiinta 1-Griezmann 2- Varane 3- Mbappe.
Weraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa isna codkiisa siiyay xidigaha 1-Ronaldo 2-Messi 3-De Bruyne.
Tababaraha xulka Englan ee Gareth Southgate ayaa isna codkiisa siiyay xidigaha
1-Modric 2-Varane 3-Hazard.
Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa codkiisa isna siiyay xidigaha 1-Modric 2-Ronaldo 3-Messi.
Tababaraha Wales ee Ryan Giggs ayaa isna codkiisa siiyay xidigaha
1-Modric 2-Mbappe 3-Ronaldo.
Kuwas waxa ay ahaayeen qaabka ay u dhacday codeynta markanna waxaan firin doonaan codadka ay kala heleen xidigaha.
- Luka Modric – 29.05%
- Cristiano Ronaldo – 19.08%
- Mohamed Salah – 11.23%
- Kylian Mbappe – 10.52%
- Lionel Messi – 9.81%
- Antoine Griezmann – 6.69%
- Eden Hazard – 5.65%
- Kevin De Bruyne – 3.54%
- Raphael Varane – 3.45%
- Harry Kane – 0.98%
W/Q: Maxamed Ahmed Lio
