Maxay tahay fariinta Madaxweynaha ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka dalkeenna ee SYL ayaa ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan halganka diiniga ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Amniga iyo Horumarka dalka.”

Sidoo kale warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sii daray, “Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.”

Sanad waliba maanta oo kale ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka May, waxaana lagu weeneeyaa dhallinyaradii Ururka SYL kuwaas oo qeyb lixaad leh ka qaatay halgankii dalka looga xorreeyey gumeystihii Talyaaniga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daauud.

Read Next

Ra’iisul Wasaaraha dalka Slovakia oo soo gaaray dhaawac culus ka dib dhowr xabbadood oo lagu dhuftay