Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay kawada hadleen danaha labada dal, xasiloonida, Amniga iyo Horumarka Gobolka.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saarayso danaha wadaagga ah ee gobolka si loo helo xasilooni waarta sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxa aan kawada hadalnay xoojinta danaha labada dal, Xasiloonida, Amniga & Horumarka” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay Madaxdii ka qaybgashay daahfurka biyo xireenka Dowladdaas ay hirgelisay, waxaa socda kala xod-xodasho Itoobiya ay ku samayneyso sidii ay u heli lahayd dalal ay siiso korontada tamarkaas lagu dhaliyo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Laamaha ammaanka Gaalkacyo oo raadinaya koox aano u dishay Dr Cumar Cabdi Daahir

Read Next

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Qadar?