Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.
Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saarey xiriirka labada dal gaar ahaan Iskaashiga laanta Sharci-dejinta ee Baarlamaanka.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si gaar ah Shacabka Qadar la wadaagay tacsida dadkii ku dhintay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay Magaalada Dooxa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Walaalahooda Qadar.
Safiirka Dowladda Qatar ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka Golaha ee dejinta sharciyada iyo shuruucda qeybta ka ah dowlad dhiska iyo horumarinta dalka.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa Dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
Mustaqbal
