MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ma rumeysan kartaa in Furriin ay sameeyeen lamaane kaliya ku kacay $3.bbilyan oo doollarka Mareykanka ah?
Xaflado aroos oo farabadan laguna bixiyay qarash iyo Hanti badan ayaa ku dhamaada hab niyad jab iyo calaadin ah.
Arrintan waxaa ay inta badan ka dhex dhacdaa qoysaska Ladan ama lamaanaha isku doorta Hantida wadata magaca sare,waxaana halkan ku soo gudbineynaa 10ka Fuuriin ee ugu qaalisan Caalamka.
- Bob Johnson iyo Sheila Crump Johnson, waxaa ay kala tageen sanadkii 2002 , Sheila ayaa heshay Lacag dhan $400 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Bob Johnson,waa Wariye Caan ah kana shaqeynayay Telefishan,waxaa ay Gabadhan isguursadeen Snaadkii 1969kii,waxaana ay kala tageen sanadkii 2002dii.
2000dii ayey noqdeen Afrikaan Ameerikaankii ugu horreeyay ee Bilyaneerro noqda,sidaas ayeyna ku kala tageen.
- Mel Gibson iyo Robyn Moore, 2006 , $425 million

Furriinka ama kala tagga Mel Gibson iyo Robyn Moore, ayaa noqday kii ugu qaalisanaa ee ka dhex dhaca Akatarrada Hollywoodka.
Lacagta ay qaadatay Gabadha waxaa ay ahayd kala bar hantida uu lahaa Aktarka.
8- Craig McCaw iyo Wendy McCaw, 1997 — $460 million

Craig McCaw oo ah Ninka iska leg sharikad Taleefananda sameysa iyo Wendy McCaw, oo ah Wariye Wargey wax ku qorta ayaa kala tagay Sanadkii 1997dii,waxaana ay furriinkeeda ku heshay lacag dhan $460 Milyan.
- Dmitry Rybolovlev iyo Elena Rybolovlev, 2014 — $604 million

Elena Rybolovleva ayaa dacwad furriin ka gudbisay maalqabeenka Reer Ruush ee Dmitry Rybolovlev,maxkamadda ayaa Elena u xukuntay $4.5 Bilyan oo dollar laakiin racfaan uu ka qaatay xukunkaas ayuu maxkamaddii 2aad oggolaaday bixinta $604Milyan
- Adnan Khashoggi iyo Soraya Khashoggi, 1980 — $874 million

Sanadkii 1961, Ganacsadaha Hubka ka ganavsan jiray ee Reer Sucuudi Adnan Khashoggi ayaa guursaday Gabadha reer Bretain ee Sandra Daly, oo markii dambe Diinta Islaamka qaadataya lana baxday magaca Soraya.
Lamaanahan, waxaa ay lahaayeen 17 Guri, Saddex Diyaaradood iyo Saddex Markab oo kuwa raaxada ah.
Soraya markii ay kala tagayeen waxaa loo xukumay lacagdhan $874 Milyan oo u dhiganta $2Bilyan oo dollar oo maanta ah.
- Harold Hamm iyo Sue Ann Arnall, 2012 — $975 million

Harold Hamm oo ah nin ka hodmay Saliidda iyo xaaskiisa Sue Ann Arnall eayaa kala taggoodu ka dhashay Check lacageed oo ay ku qorneyd $974.8 Milyan,
Sue waxaa ay diidday in Check ay ku wareejiso Maxkamadda inkasta oo ay muddo dheer diideysay kaddib 2015kii ayey ku shubtay Bankiga,waxaana loo xukumay lacagtaas.
- Steve iyo Elaine Wynn, 2010 — $1 billion

Lamaanaha Steve iyo Elaine Wynn,waxaa ay is guursadeen labo jeer oo kala ah 1963ii ilaa 1986dii mar kale ayey isguursadeen 1991dii,waxana ay kala tageen 2010.
Kala taggoodii labaad ayaa noqday midka ugu qaalisan xogta xilligaas la hayay,waxaana ay heshay lacag dhan $1 bilyan oo dollar.
- Bernie Ecclestone iyo Slavica Radić, 2009 — $1.2 billion

Maamulaha Ciyaaraha loo yaqaan Formula one Bernie Ecclestone,oo ka mid ah dadka ugu hantida badan Uk ayaa furay sanadkii 2009kii Gabadha Modelistada ah ee u dhalatay Croatia , laguna magacaabo Slavica Radić .
Waxaa loo xukumay lacag dhan $1.2Bilyan inkasta oo si rasmi ah aan loo baahin caddeynta lacagtaas.
- Rupert Murdoch iyo Anna Torv, 1999 — $1.7 billion

Rupert Murdoch iyo journalist Maria Torv,waxaa ay ahaayeen Wariyayaal is qabay 31 Sano,waxaa ay isu dhaleen saddex Carruur ah,Mardoch ayaa soo jeediyay in ay kala tagaan sanadkii 1998dii markaas oo uu shaqada ka fariisanayay ,waxaana furriinka uu furay xaaskiisii kaga baxday $1.7Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.
Durba labadooda midba goonigiis ayuu u guursaday ,Murdoch waxaa uu guursaday Wendi Deng ,17 maalmood kaddib furriinka xaaskiisii hore,halka Torv ay guursatay William Mann lix bil kaddib furriinkii ay ku heshay $1,7Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.
- Alec Wildenstein iyo Jocelyn Wildenstein, 1999 — $3.8 billion

Furriinka ugu qaalisan Adduunka ayaa dhacay sanadkii 1999, markaas oo Ganacsadaha French-American ka ah uu furay Gabadha ka ganacsatata Naqshadeynta Jocelyn Wildenstein, taas oo ay wada noolaayeen 21 Sanadood.
Markii ugu horreysay Maxkamaadda waxaa ay u xukuntay $2.5 billion ,waxaana la socotay in Sanad kasta uu bixiyo $1Milyan oo dollar muddo saddex iyo Toban Sano ah,waxaana isku dar lacagtii gaartay $3.8 Bilyan.
Isha:Businessinsider.com
W/Turjumay Adam Ibrahim Farah (Showqi)
Mustaqbal Radio
