Maxaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada, kaas oo ka qabsoomay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay shuruucda horyaalla Baarlamaanka, iyo sidoo kale  la xisaabtanka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda,

Sidoo kale, Guddomiyaha ayaa guddiga la wadaagay faahfaahin ku saabsan shirkii Guddoomiyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee Kampala ka dhacay, halkaas oo Soomaaliya loogu doortay shir-guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada ururka.

Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay martigeliso shirka Guddoomiyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika bartamaha sanadka 2026.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku boorriyey guddiyada in ay sii dardar geliyaan ka shaqeynta shuruucda horyaalla, ayna golaha u soo gudbiyaan si waajibaadka sharci dejinta dalka loo hormariyo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo maanta hirgalisay nidaam ETA

Read Next

Ruushka oo garab istaag u muujiyay dalka Nigeria, xilli weli ay taagan tahay xiisadda Mareykanka