Markab ay leedahay Itoobiya oo ku xirtay Dekadda Masawa ee Eritrea

20 Sano Kaddib markab Xamuul ah oo ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa maanta ku xirtay Dekadda Masawa ee Dalka Eritrea.

Markabka ayaa ka soo shareecday Dalka Sucuudiga sida ay qortay Warbaahinta Dalka Itoobiya,waxaana Markabka isla maanta booqday Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo Eritrea ku jooba booqasho aan horay loo sii shaacin.

Itoobiya malaha wax dekad ah,waxaana ay muddo raadineysay Dekado ay kala soo degto Badeecadaha ay uga baahantahay Caalamka intiisa kale.

Hayeeshee arrintaas ayaa la soo afjaray 29kii June 2018 markii Ra’isalwasaaraha Itoobiya uu booqasho saddex Cisho ahady ku tagay Asmara heshiisna la saxiixday Xukuumadda Asmara.

Mustaqbal media

Read Previous

Waasaradda arrimaha dibadda Somaliya oo ka hadashay shirka ka furmaya Asmara

Read Next

Shaqo joojin lagu sameeyay Guddoomiyaha Xamar Weyne