Mareykanka oo mar kale cunaqabateyn ugu hanjabay Ruushka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu cunaqabatayn cusub saari doono Ruushka 10 maalmood gudahood, haddii Moscow aysan joojinta dagaalka ay ku hayso Ukraine oo socday in ka badan saddex sano.

Trump ayaa horey ugu dhawaaqay inuu gaabiyay muddadii hore ee 50 maalmood ahayd oo uu bil ka hor u qabtay Moscow, isagoo sheegay in waqtiga cusub uu yahay 10 ilaa 12 maalmood.

Laakiin, isagoo la hadlayay wariyeyaasha, Trump wuxuu sheegay inuusan weli helin wax jawaab ah oo ka timid Ruushka.

Tallaabadan ayaa u muuqata cadaadis cusub oo Maraykanku ku saarayo Moscow, iyadoo weli uu socdo dagaalka culus ee Ukraine oo sababay khasaare badan iyo xiisad caalami ah.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Hormuud Telecom & Save the Children oo Muqdisho ku kala saxiiday Heshiis Istiraatiijiyadeed oo iskaashi ah

Read Next

UK oo ku dhawaaqday in ay aqoosaneyso Falastiin