Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Dowladda Mareykanka ayaa been abuur ku tilmaantay war horay uga soo baxay Al-shabaab oo ku saabsanaa in 3 ka mid ah Askarta Mareykanka ay ku dileen Balli-Doogle.
Al-shabab ayaa 15kii Bishan sheegay in duqeyn ay ka geysteen garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose ay ku geeiyoodeen saddex ka mid ah Ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Garoonkaas.
Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika, Christopher P. Karns , ayaa sheegay in warkaasi uu been abuuryahay islamarkaana aysan jirin xitaa dhaawac soo gaaray Askarta Mareykanka.
Waxaa uu xaqiijiyay in duqeyn lala beegsaday Garoonka laakiin aysan wax khasaare ah ka soo gaarin askarta Mareykanka.
Waxaa uu Mr Christopher P. Karns , sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada caawinaya ay cadaadis saareen Al-shabaab sanadkan 2019ka, islamarkaana ay u diideen in ay dhaq dhaqaaq ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.
