Mareykanka: Nin 36 Sano Xabsi ugu jiray $50 doollar oo lagu wado in la siidaayo

Alvin Kennard, waxaa uu ahaa 22 jir markii la xirayay sanadkii 1983dii, waxaa lagu heystaa oo loo xiray in uu xaday $50.75 oo kali ah.

Waxaa lagu helay in uu lacagtaas ka xaday Foorno ku taalla Gobolka Alabama ee Dalka Mareykanka.

36 Sano kaddib hadda waa 58 jir, Garsoore ku sugan Gobolka Alabama ayaa amray in laga sii daayo Xasbiga Donaldson ee degaanka  Bessemer.

Alvin, waxaa qabtay xeerka xatooyada ee Gobolka Alabama darajadiisa 2aad oo xilligaas aad u adkaa lana meel mariyay sanadkii 1979kii  inkasta oo hadda la beddelay.

Xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibadiisa ayaa aad ugu farxsay siideyntiisa markii uu Garsoore David Carpenter amar ku bixiyay, Patricia Jones, waxaa ay ka mid tahay ehelkiisa waxaa ay sheegtay in wax ka badan 30 sano ay hadal hayeen maalinta ay dhici doonta siideyntiisa.

Qareenka u doodayay oo lagu magacaabo Carla Crowder, sidoo kalena ah agaasimaha xafiiska sharciga iyo racfaanka ee Gobolka ayaa sheegay in muddo dheer ku qaadatay kiiskan.

 

Web master

Read Previous

Macharia Kamau: “Dowladdeenu waa ka niyad jabtay go’aanka Golaha amaanka”

Read Next

Thailand: qeybtii 2aad Kalluumeysato laga siidaayay Somaliya oo ku laabtay dalkooda