Madaxweyne Xasan Shiikh oo kormeeray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha socda iyo adeegyada casriga ah ee ay bixiso hay’addu.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixino faahfaahsan oo la xiriira Maamulka Hawada Soomaaliya iyo nidaamka cusub ee E-Visa, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada dowladdu ku hormarineyso adeegyada socdaalka iyo xakamaynta xuduudaha dalka.

Warbixinnada ayaa waxaa soo jeediyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, kuwaas oo Madaxweynaha uga warbixiyay qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka, u fududeynta muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.

May be an image of text that says 'SOMALIA Your Youre-visaApplication e-visa willbe be epromptly Application processed WELCOME T 代 STER 神品 エ SMART E-VISA'

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Hay’adda dadaalka ay ku bixisay horumarinta nidaamka dal-ku-galka ee E-Visa, iyo hirgelinta nidaamka PISCES, oo ah hab casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka iyadoo la adeegsanayo xogta biometric-ga sida faraha iyo wejiga.

May be an image of one or more people and text

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay madaxda iyo shaqaalaha hay’adda in ay sii xoojiyaan hufnaanta adeegyada, ilaalinta amniga dalka, iyo xaqiijinta xogta dadka soo galaya dalka, isagoo xusay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaduhu tahay laf-dhabarta sugidda amniga iyo xuduudaha Soomaaliya.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Turkiga oo 13 sanno kaddib Safiir u dirsaday Suuriya

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Safiirka Turkiga iyo Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde