MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilkiisu sii dhammaanayo ayaa maanta munaasab kadhacday magaalada Muqdisho waxa uu ku saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka
Xasan Sheekh oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa xilkiisu sii dhammaanayo ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.
“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo”
Mar kale waxa uu yiri: “Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan’’

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Insaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadalqaaday arrimaha siyaasadda dalka, waxa uu dul istaagay muhimadda hirgelinta xisbiyada siyaasadeed iyo halista siyaasadaha qabiilka ku dhisan, Qoondada Dumarku ku leeyahay goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doorashada 2016.
Mustaqbal
