Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Gobolada dhexe ee dalkeena; B/weyne, Dhuusamareeb iyo Galkacyo mar waxa ay ahaayeen meel jabhadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin, oo u lagu tiriyo keenadiid ama dad aan ogoleyn in la xukumo, gaar ahaan xukunka dhegeyso oo ku dhaqan,
Mar waxa ay ahaayeen meel dowladdii xoogga badnayd ay dhigato hubka iyo ciidanka ugu badan, taas oo ay sabab u ahayd goboladaas oo xad-wadaag la ah dowladda Itoobiya oo dhowr mar isku dayday in ay ka lusho calankeeda.
Xeryaha lama galaay, Damaanyo, 21aad, Daraawiish iyo xearada Dayax, waxa ay dhammaan ku yaallaan gobolada dhexe, sidaas oo kalana waxa jiray baro waaweyn oo ciidanka XDS-du ay joogeen, sida Galdogob iyo Balanbal.
Inta la xusuusto waxaa ka soo baxa madax iyo aqoon yahan aanay goboladaasi ku nafcin, hayeeshee wax ku biiriyey daljirnimada iyo hoggaanka fiican, madaxdaas qaarkood waxa ay sameeyeen jabhado horseeday duminta xukuumadda kacaanka.
Deegaan ahaan waa meel wada degidda iyo wada noolaanshuhu ka jiray muddo kahor, xilligii xorriyadda waxa ay kaalin fiican ka qaateen dagaalkii Gaal kacyey iyo talyaani guurkii, kaas oo ay ujeeddadiisu ahayd in ururkii xornimo doonka ee ururka dhallinyarada Soomaaliyeed uu hanto talada dalka kadib gaalo kaca.
Waxa lagayaabaa in sooyaalka goboladaas ay ku jiraan dhacdooyin u badan dagaallo iyo iska hor imaad, kuwaas oo ay sabab u tahay yaraanta khayraadka bannaanka yaal ee goboladaas iyo xirfadda dhaqashada xoolaha oo u baahan xoog iyo xeelad wada jira, taas oo dadkeeda ka dhigta kuwo ad-adag oo halganka ay kula jiraan nolosha ka barta habkii ay u maareyn lahaayeen.
Kadib qaran-jabka waxa ay dhankooda ka qabeen dhibaatada guud ee dalka oo dhan ka jirtay, waxaa soo maray maamuullo aan muuqaal lahayne magac u yaal ah, maamuladaas qaarkood waxaa magacaabayey jabhado hab dowladeed isu aqoonsaday oo ay ka mid ahayd dowladdii Salballaar.
Dowladihii kmg ahaa ayaa u magacaabayey guddoomiyeyaal gobol, basle sida ay dibad wareeg u yihiin ayaa waqtigoodu dhammaan jiray.
Maamulkii maxkamadaha ayaa muddo yar maamulayey, kadib maamulkaasna waxaa intii oo kale joogay sarkaal madax u ahaa ciidankii Itoobiya ee dirirta kula galay ciidankii maxkamadaha banka Bandiiradley Disembar 2006.
2008 waxa ay goboladaas qaarkood ku jireen maamul la’aan iyo dagaallo dad badan ay ku dhinteen, horraantii 2008dii waxaa tegey dhaqdhaqaaqa Alshabaab, waxa kula loolamayey talada tusaale gobolka Galgaduud, maamulkii ay Alshabaab ka baxeen ee maxkamadaha oo intoodii dalka joogtay ay mar isku dayeen in ay hirgeliyeen halhayska “Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa” magaalooyinka B/weyne, B/Burte, Dhuusamareeb, Cadaado iyo Guriceel ayaa waxa ay ka billaabeen rag ka tirsan maamulkii maxkamaduhu in ay dib u abaabulaan awood iska caabbisa ciidanka Itoobiya oo mashxarad iyo alalaas ay ayaamahaas u ahayd in ay cagaha dhigaan oo ay calankooda saaraan Caasimadda Soomaaliya oo ku dhowaad 500 oo sano ay ku taamayeen geliddeeda.
Isla sanadkaas 2008 ayaa Alshabaab xaqiijisay in aanay xubanaha maakamadihii midoobay saameyn badan ku yeelan goboladaas, kadib xaqiijinta goolkaasna dabayaaqadii 2008 waxa ay Alshaab si aan ku tala-gal ahayn isugu fureen dagaalkii Ahlu sunna Waljamaaca, kaas oo ka billowday dugsi qur,aan ku yaalla Guriceel, waxa dagaalkaasi horseeday dhiig badan oo aakhirkii ku soo dhammaaday in Alshabaab ay waayaan degmooyin ka mid ah goboladaas.
Dagaalkaas oo socday 4 sano waxa uu soo afjarmay sanadkii 2012, waxa uu dagaalkaasi ka tegey agoon iyo asaayo badan.
B/weyn waxa ay ka mid tahay magaalooyinka gobolada dhexe ee 2006 illaa 2012 ay ka dheceen dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah, waxa aan xasuustaa duqeyntii diyaaradaha miigga ah ee itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah B/weyne iyo tuulooyinka Jawiil, kalabeyrka iyo JENTA KUN DISHO oo si xiriir ah ay u duqeynayeen miigaggu 2 saacadood, maalintaas waxa aan ahaa goobjoog, 3 maalin kadib oo aan u safray dhanka Galgaduudna waxa aan jidka ku sii arkay meydad iyo madaafiicdii dishay oo haraagoodii is dul yaallaan, waxa aan xusuustaa in inta u dhexeysa JENTA KUN DISHO iyo kalabayr ay yaalleen gacmaha iyo lugaha meydadka qaarkood oo markii ay midiba meel ku dhacday ay dadkii jidka marayey ku rogeen ciid aan meydka dhan iska daaye aan gacanta keligeed ah ee meel taal qarin Karin, jidkuna isaga oo burbursanaa ayaa haddana siliska kaarayaashu sii baaba’sheen, waxa aan isweydiiyey maalinkaas sababta kaara xambaarka faraha badan ee aan ku soo arakay B/weyne oo la haysto haddana xitaa jidka ay marayaan ay ugu kexeeyeen kaarayasha waaweyn ee siliska xoogga badan ku socda, kaas oo laamiga kalabeyr oo markaas ka hor ahaa laami dhaqan intiisa badan rurujiyey.
Dhacdooyinka la xusuusto ee B/weyne waxaa ka mid ah duqeyntii diyaaradaha itoobiya ee Disember 2006, qaraxii June 2009 ka dhacay hotelka Madiina, kaas oo galaaftay nolosha in kabadan 70 qof sida aan ka akhriyey bayaankii xarakada Alshabaab ay ka soo saareen dhacdadaas, madaxda qaraxaas ku dhimatay waxaa kamid ahaa Gaashaanle sare Cumar Xaashi Aadan, wasiirkii Amaanka qaranka ee xukuumaddii xilligaas ee Raisalwasaare Cumar Cabdirishiid Cali Shar ma arke sidaas oo kalana waxa ku dhintay qaraxaas danjire C/kiriin Faarax laqanyo,
Dhuusamareeb waxa ka mid ah dhacdooyinka waaweyn ee la xusuusto weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday koox xildhibaano iyo siyaasin ah oo wadday ololaha maamul sameysiga gobolada dhexe, waxaa qaraxaas ku dhintay Ahun xildhibaanYuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed, sidaas oo kalana waxaa ku dhaawacmay Axmed C/Salaan Xaaji aadan oo mar noqday raisalwasaare ku xigeen.
Gaalkacyo dhacdooyinkii ka dhacayey bartamaha dalku saameyn badan ku ma lahayn, waxyaabaha uu gobolka Mudug la wadaagayey bartamaha waxaa ka mid ah dilalka qorsheysan oo ka dhacayey Galkacyo, kuwaas oo ay ku dhinteen shaqaale warbaahineed, aqoonn yahan iyo waayo-arag dhanka ciidanka ah.
2012 dhismihii dowladda maanta jirta ayaa rajo geliyey goboladaas, hayeeshee dhibaatada haysatay qudheeda ayaa u diidday in ay ka dhex muuqato goboladaas, gobolka Hiiraan oo ay tageen ciidamo katirsan howlgalka midowga Afrika ayaa xoogaa ka soo kabtay colaadihii dhacayey,
2014 nidaamka goboleysiiga awgi, inkasta oo lagayaabo in erey bixintaasi aanay sax ahayn waxa timid aragtida maamul u sameynta gobolada dhexe, taas oo ay tahay beddelkeeda in la adeegsado maamul sameysashada gobolada dhexe.
Ereybixinta maamul u sameynta gobolada waxaa adeegsaday warbaahinta iyo dadka siyaasadda, waxa ayna ka dhigan tahay in dadka kunool goboladu aanay lahayn awoodda aayo ka talinta iyo sameysiga maamul, waxa ayna keeni doontaa in dadku aaminaan in loo sameynayo maamul aanay kaalin ku lahayn, kaalin ku lahaansho la’aantaasina waxa ay sababi doontaa in dadku aanay taageerin maamulkaas
Hadda gobolada dhexe waxaa ka muuqda rajadii iyo yididiiladii luntay 1969kii oo ahayd in muwaadinku si toos ah u doorto qofka xukumaya, taas oo lagu waayey afgenbigii caddaa ama inqilaabkii aan dhiiggu ku daadan.
Sidaa daraadeed waxaa bilihii ugu dambeeyey ka socday Galguduud iyo Mudug ololaha dadka doonaya in ay qabtaan xilka madaxtinimada ee dowlad goboleedka gobolada dhexe, arrinta sheegidda mudan ayaa ah in ololayaal aan ka dhicin gobolada ay hadda ka dhismeen dowlad goboleedyadu ay si nabad ah uga sameeyeen dhowr musharax oo dadka deegaanka u sheegayey waxa ay qaban doonaan iyo sababta ay xilkaas u doonayaan.
Musharixiinta shaaciyey in ay doonayaan xilkan waxaa ka mid ah
- Maxamed Cilmi Afrax
- Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
- C/raxmaan Maxamed Nuur Dinaari
- Axmed Macalin Fiqi
- Bashiir Aadan Calii “Danan”
- Maxamed Daahir Muxumad
- Cali Cabdulle Axmed (Tooyo)
- C/samad Nuur Guuleed
- C/weli Warsame Jaamac (Gorod)
- C/qaadir Cali Jaamac (Qalabxoor)
Musharixiintan qaarkood waxa ay sameeyeen ololohooda doorashada, iyaga oo tegey degmooyin kamid ah gobolada, muuqaalada laga duubay ololayaasha qaarkood ayaa muujinaya in muwaadiniinta gobolada dhexe si fiican uga qaybqaadan doonaan dhismaha maamulka gobolada dhexe.
Maamulada hadda jira ee sida fiican xagga hoose uga soo dhismaya waxa ka mid ah Ximan iyo Xeeb, taas oo ay horseedday deganaanshaha sanadada ka jiray deegaanka maamulkaas iyada oo caqabadihiisuna ay horyaallaan.
Hadda gobolada dhexe waxa ay haystaan fursad aanay arag weligood, taas oo u horseedi karta yeelashadada muuqaal fiican oo haddii nidaamka goboleysigu meelmaro meel fiican ka soo saari karta, reerkii layli dhaansada haamuhuu ka laayaa!!!
WQ: Axmed Ciise Guutaale
