Ciidanka Amniga degmada Dharkeynley oo hal qof ku dilay mid kalana ku dhawaacay degmadaas!

Ciidamada ammaanka degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir  ayaa lagu soo waramayaa inay toogasho ku dileen hal ruux  mid kalana ay dhaawaceen kaddib marki aroornimadii hore ee saakay israsaaseyn dhexmartay iyaga iyo dhallinyaro kale oo hubaysan.

Qofka dhintay iyo midka dhaawacmay ayay ciidamadu sheegeen inay qarax kuduugayeen wadada Macallin Nuur ee degmada Dharkenleey halkaasoo ay adeegsadaan ciidmada ammaanku.

Israsaaseyn kooban oo dhexmartay ciidanka iyo dhallinyarada ayaa sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo  mid kamid ah dhallinyarada halka midka kalena uu dhaawacmay.

Sarkaal kusugan saldhiga degmada dharkeynleey oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen argagixisada Alshabaab .

Dhinaca kale odayaal katirsan dadka degaanka oo lasoo xiriirray idaacadda ayaa sheegay in dhallinyaradaasi aanay wax shaqo ah kulahayn Shabaab iyagoona sheegay nin magaciisa ay ku sheegeen Abdinasir Mursal oo ka shaqeynayay farmashiye ku dhawaa halkaasi uu wargeliyay ciidamada amaanka una sheegay  in dhallinyaradaasi ay wadada dhigayeen miino.

Sikastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd  markii guddoomiyaha degmada Dharkenleey Macallin Maxamuud iyo ilaalidiisa lala beegsaday qarax miino kaasoo dhulka loogu aasay.

General Editor

Read Previous

Ciidanka Amniga Dharkeynley oo hal qof ku delay mid kalana ku dhawaacay degmadaas!

Read Next

Reerkii Layli Dhaansada Haamuhuu Ka Laayaa!!