Madaxweyne Ruto oo amray in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin Ajaanibta ku nool Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa soo saaray amar ku aaddan in la xiro goobaha Ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah.

Amarka Ruto ayaa saameynaya dadka aan u dhalan Kenya ee leh Ganacsiyada hareeraha waddooyinka iyo dukaamada tafaariiqda.

Madaxweyne Ruto ayaa faray in wixii ka dambeeya Isniinta soo socota ay hay’adaha amniga inay bilaabaan hawlgallo lagu xirayo ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin dadka aan u dhalan dalka Kenya.

Amarkan ayuu Madaxweynuhu ku sababeeyay in ganacsiyada yaryar ay xaq u leeyihiin Muwadiniinta Kenya, isla markaasna aysan la tartami karin dadka shisheeyaha ah.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn  ku yeesho kumanaan ajaanib ah oo muddo dalkaas ku leh ganacsiyo yaryar, kuwaasi oo ay kamid yihiin Soomaali.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Toogasho ka dhacday bartamaha magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Read Next

Ciidamada Badda Shiinaha oo howlgal ka sameeyay Biyaha Soomaaliya