Ciidanka Federaalka & Kuwa Koofur Galbeed oo saldhigyo cusub ka samaystay duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa saldhigyo cusub ka samaystay duleedka Magaalada Baydhabo si loo adkeeyo amniga Magaaladaas ugana hortagaan weerarrada kusii kordhaya.

Ilo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Mustaqbal Media u sheegay in saraakiil katirsan ciidamada ammaanka ee federaalka iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay kormeereen Rugaha cusub iyo ciidanka halkaas ka howlgallaya.

Ujeedka waa in ciidamadaas ku sugan bannaanka Magaalada Baydhabo ay iska caabbin kala hortagaan duullaan weliba oo ku wajahan gudaha Magaaladaas waa haddii uu hirgeliyo qorshahaan cusub ee xeendaabka loogu sameeyay nabadgalyada xarunta gobolka Baay.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa kulamo aan dhammaad lahayn la qaatay saraakiisha ciidamada ammaanka iyaga oo ka xog dhagaystay labo qorshe oo midkood uu yahay in la adkeeyo amniga Magaalada Baydhabo.

Qorshaha labaad waa sidii duullaan loogu qaadi lahaa goobaha ay ku sugan yihiin AS iyo Maleeshiyaadka taabacsan Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee weerarrada jabhadaynta ah joogteeyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Israa’iil oo howlgallo lagu xaalufinayo Geedka Saytuunka ah ka billowday Daanta Galbeed

Read Next

Hay’adda IOM oo dalbatay lacag ay ku maarayso dhibaatada ka dhalata Musiibada El-Nino