Ciidanka Israa’iil ayaa howlgallo lagu xidido siibayo Geedka Saytuunka loo yaqaan ka sameeyay Deegaanka Arraba ee Koofur Galbeed kaga beegan Magaalada Jeniin ee Daanta Galbeed Yuhuuddu xoogga ku haysato.
Geedaha ay jartay Israa’iil iyada oo adeegsanaysa Cagaf waxaa la sheegay in ay baxayeen 60 ilaa 70 sano kuwaas oo dadka deegaanka cunayeen mirihiisa, balse ciidanka Yuhuudda ayaa geedahaas xidida u siibay.
Cagafta geedka Saytuunka jartay waxaa la socday ciidamo badan oo Ilaalinayay si ay uga hortagaan kacdoonka Shacab ee kahor imaan kara sida horay u dhacday mar ay qaadeen tallaabooyin ay ku boobayaan Dhulka Falastiin.
Saytuunka waxa ay Dadka Falastiin ka helaan faa’iidooyin kala duwan sida in ay Mirihiisa cunaan, saliid ay ka samaystaan, dawooyinka qaar oo lagu daro iyo kuwo kale, waana geed muhiimad gaar ah u leh Dadkaas.
Israa’iil ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay dhul ballaarsi ka waddo Dhulka Falastiin gaar ahaan deegaannada u dhow Daanta Galbeed oo qaybo kamid ah horay uga xooggtay dadkii degenaa, waxaana ay burburisay guryihii ay degenaayeen Dadkaas.
Mustaqbal
