Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah, ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dhismo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Afhayeenka ciidanka booliska, Garret Parten, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ninkii weerarka geystay uu isna dhintay, inkastoo aan weli la caddayn qaabka uu u geeriyooday.
Saddex sarkaal oo ka tirsan booliska Minneapolis oo dhaawac ah ayaa iyagana la dhigay isbitaalka Hennepin County Medical Center.
Laba ka mid ah askartaas ayaa qaba dhaawacyo rasaas ah, halka sarkaalka saddexaad uu qabo dhaawac fudud.
Ilaa hadda, boolisku ma bixin faahfaahinta ku saabsan ujeeddada ka dambaysay toogashadan ama aqoonsiga ninka weerarka fuliyay.
Mustaqbal
