Ciidamada Badda Shiinaha ayaa xeebaha Soomaaliya ka sameeyay dhoolatus ciidan oo looga hortagayo burcad-badeeda, xilli xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay mar kale ka soo cusboonaadeen weerarrada iyo afduubka maraakiibta.
Dhoolatuskan waxaa fuliyay Guutada 49-aad ee Ciidamada Badda Shiinaha, waxaana lagu tijaabiyay awoodda ciidamada ee ka jawaabista degdegga ah marka markab la afduubo.
Ciidamada ayaa soo bandhigay xirfadooda baaritaan, qabashada burcad-badeedda iyo badbaadinta shaqaalaha markabka.
Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xilli falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay si muuqata u kordheen bilihii u dambeeyay.
17-kii Agoosto, markabka MV LUTUF ayaa lagu qafaashay xeebaha Puntland, halka 20-kii Agoosto markab shidaal oo lagu magacaabo Sibu 1 lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Yemen, iyadoo la sheegay in loo weeciyay dhanka Soomaaliya.
Ciidamada Badda Shiinaha ayaa tan iyo 2008 si joogto ah u sameynayay howlgallo ilaalinta maraakiibta iyo la-dagaallanka burcad-badeednimada ee gobolka.
Mustaqbal
