Taliyahii hore ee Ciidanka Asluubta, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo garan ogyahay Taliye Shub oo xalay duqayn lagu beegsaday Guriga uu ku degen yahay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa lagu warramayaa in laga daweynayo dhaawac soo gaaray.
Dhaawacyo ka dhashay firirka duqaynta lagu beegsaday oo gaaray qaybo kamid ah jirkiisa ayaa loo geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka Degmada Dooloow si looga soosaaro una helo daryeelka uu u baahan yahay.
Muuqaallo laga soo duubay Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Baraha Bulshada lagu faafiyay waxaa ka muuqday isaga oo la daweynayo isla markaana kiiskiisa ay gacanta kula jiraan dhaqaatiirta Isbitaalka la geeyay.
Dhinaca kale waxaa socda raadinta xogaha duqayntaas iyo cidda ka dambaysa maadaama aanay jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo la sheegay in uu ahaa duqayn diyaarad sida xogaha la helayo ay sheegayaan.
Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa markii xilkaas laga qaaday oo Baydhabo laga qabsaday Maamulkii Laftagareen waxa uu saldhig ka dhigtay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
