Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabad lagu dhaariyay Saraakiil.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo maanta tagay Xerada Jeneral Gordan ayaa ka qayab galay dhaarinta saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda.

Saraakiishaan ayaa kamid ah Guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed, waxa uuna Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Xerada iyo kuwii la dhaarinayay.

Madasha Dhaarinta waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod, Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Abdi Qaadir Sheikh Cali Baqdaadi, Saraakiisha Ciidamada Xerada ku xareysan iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiishii Maanta la dhaariyay faray in ay ka qaby qaataan howlgalada Ciidamada Dowladda iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay ugu dhawaaqay.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar oo kamid ahaa Ciidamadii la socday Jeneral Caanood ee qabsaday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uuna booqday hoyga ay degen yihiin Waalidiinta Askariga Geeriyooday, si uu ugu tacsiyeeyo geerida Wiilkooda oo kamid ahaa Ciidamada Dowladda Federaalka.

Mustaqbal media

Read Previous

“iska daaya waa Muwaadin la halgamaya Afkiisa Hooyo”.

Read Next

D.Federaalka oo heshiis la gashay Sharikad laga leeyahay Mareykanka