Madaxweyne Farmaajo oo aan Adis ababa kula kulmeyn Muuse Biixi

Warar soobaxay xalay ilaa saaka ayaa sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan maanta tageyn Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Adis ababa waxaa maanta tagay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay in uu casuumaad ka helay Ra’isalwasaaraha Itoobiya.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya C/Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in safarkii shaqo ee uu Madaxweyne Farmaajo ku joogay Burundi iyo Jabuuti uu soo gaba gaboobay islamarkaana uu maanta ku soo laabanayo Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta gudaha iyo midda dibadda ayaa labada qorayay in Ra’isalwasaaraha Itoobiya uu kulansiinayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Mustaqbal media

Read Previous

Maxamed C/Raxmaan oo ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta oo lagu dilay Muqdisho

Read Next

Masar oo xukun dal dalaad ah ku fulisay 9; qof