Madaxweyne Deni oo hakiyay qaabilaadda dadka booqanaya

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa hakiyay qaabilaadda dadka ku booqanaya xafiiskiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu amray Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland dhaqan gelinta wareegtada.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha laguma sheegin waqtiga ay qaadaneyso hakinta qaabilaadda Madaxweynaha waxaana lagu soo koobay ilaa amar dambe.

Wareegtadan waxaa ku saxiixan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maamulka Puntland, C/Naasir Biix Soofe.

No photo description available.

Mustaqbal media

Read Previous

Jubaland oo soo bandhigtay Miino lagu aasay Magaalada Kismaayo

Read Next

RW Khayre oo kulankiisii u dambeeyay la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.