MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa ka hadlay safarka dhawaan uu Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka ku tagey magaalada Laascaanood ee Caasimadda gobolka Sool.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay kulan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin safarka Ra’iisul wasaaraha ee gobollada SSC Khaatumo oo ay ka aaminsan yihiin qeyb kamid ah.
“Beesha Caalamka waxaan ku wargalinay sida aan u diidanahay safarka Ra’iisul wasaare Xamse ku tagey magaalada Laascaanood” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.
Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday dadaallada Somaliland ku dooneyso aqoonsi caalami ah, isaga oo sheegay in dalal kala duwan ay xiriir la sameeyeen.
“Aqoonsiga xaq ayaan u leenahay, waxaan xiriir la sameynay dal kasta oo nagu garab siin kara qadiyadeena, sida Mareykanka iyo Ingiriiska” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Hadalka Hoggaamiyaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay sare u kacday xiisadda kala dhaxeysa Dowladda Federaalka, iyada oo Xukumadda Hargeysa sheegtay in ay joojisay wada hadallada socday.
Mustaqbal
