RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas
Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa caddeeyey inay Masar ka go’an tahay in ay gacan ka geysato taageerada dadaallada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka AS, si loo helo xasilooni buuxda oo Soomaaliya ka hirgasha.
Sisi ayaa sidoo kale tilmaamay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii wado iskaashiga dhinacyo badan leh, iyadoo loo eegayo xiriirka dhow ee walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo danaha wadajirka ah.
Arrintan ayaa timid ka dib markii shalay uu Madaxweyne Sisi khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka muuqatay dareen weyn oo labada dhinac ah, gaar ahaan xilliga ay soo baxday warbixin sheegaysa isku day la sameeyey in lagu weeraro kolonyo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay Madaxtooyada.
Afhayeenka Madaxtooyada, Danjire Maxamed El-Shenawy, ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar uu si buuxda ugu taageeray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku hawlan xoojinta ammaanka iyo ka hortagga argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhinaciisa u mahadceliyey Madaxweyne Sisi, isaga oo ka qadarinaya taageerada Masar ee dalka Soomaaliya.
Mustaqbal
