Madaxweynaha Cameroon oo mar kale ku guulleystay doorashada ka dhacday dalkaasi

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Cameroon ayaa ku dhawaaqday in Madaxweynaha muddada dheer xilka hayay, Paul Biya, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday 12-kii Oktoobar, isagoo helay 53.66% codadka.

Musharraxa mucaaradka, Issa Tchiroma, ayaa helay 35.19%, sida uu ku sheegay guddoomiyaha maxkamadda, Clement Atangana, oo ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah.

Tchiroma, oo horey u soo noqday afhayeen iyo wasiir dowladeed, ayaa horay u sheegay inuu isagu guuleystay, balse Biya ayaa beeniyay sheegashadaas.

Kadib ku dhawaaqista natiijada, Tchiroma ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in rasaas lagu furay dad taageerayaashiisa ah oo isugu tagay bannaanka gurigiisa magaalada Garoua ee waqooyiga dalka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS

Read Next

Hay’adda NIRA Uganda oo diiwaan galineysa Askarta ka jooga Soomaaliya