Hay’adda NIRA Uganda oo diiwaan galineysa Askarta ka jooga Soomaaliya

Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee Uganda (NIRA) ayaa Muqdisho ka daahfurtay diiwaangalin iyo cusboobeysiin loogu sameynayo Kaarka Aqoonsiga Askarta Uganda ee qeybta ka ah howlagalka AUSSOM.

Ololahan diiwaangelinta iyo cusboonaysiinta oo billaawday 20 bishaan October ayaa socon doona muddo 12 maalmood, waxaana la filayaa in la gaaro 10,000 oo muwaadiniin Ugandhees ah oo isugu jira askar iyo rayid ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS ee Uganda, Lt. Gen. Sam Kavuma, oo ka mid ahaa saraakiisha ka qeyb galay furitaanka, ayaa ku boorriyay dhammaan muwaadiniinta Uganda ee ku sugan Soomaaliya inay ka faa’iidaystaan fursaddan muhiimka ah.

Guud ahaan Uganda waxaa ka socda olole lagu diiwaan galinayo 15.8 milyan oo muwaadiniin ah, kuwaasi oo in ka badan 15 milyan ay yihiin carruur.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamooda ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.

Mustaqbal

 

 

 

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Cameroon oo mar kale ku guulleystay doorashada ka dhacday dalkaasi

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Mareykanka kala hadlay dagaalka AS iyo amniga gobolka