Madaxwaynaha Puntland oo dhagaxdhigay wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdulahi Dani ayaa ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo,

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladd goboleedka Puntland Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada.

Wadadaan ayaa lagu dhisayaa isku tashi bulsho iyo cashuurta laga qaado shacabka sida lagu qoraal ka soo baxay Maamulka Punland.

Bulshada gobolka mudug ayaa waqtiyadii danbe ku eedaynayay maamulka Puntland in uu hoos u dhigay mashaariicda uu ka fulinaayo gobolka Mudug.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Galmudug & KG oo bilaabay diiwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka golaha deegaanka

Read Next

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor