Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

Ciidankan ayaa tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee TurkSom.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada,May be an image of 9 people and text

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay ciidanka tababarka loo soo xirayay.

Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxwaynaha Puntland oo dhagaxdhigay wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo

Read Next

Itoobiya oo ku dhawaaqday in la dhammeystiray biyo-xireenka Webiga Nile