Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu bannaanka usoo baxay khilaaf xooggan oo ka dhex jira Madaxda Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaddib markii ay ka shireen jabka diblumaasiyadeed ee dalkaas kala kulmay dalal badan.
Kulanka waxaa si gaar ah u yeeshay Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum, Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraatka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Madaxweyne Maxamed Bin Zayid iyaga oo ka dooday sidii ay uga kaban lahaayeen guuldarrada soo gaartay.
Maamulka Sare ee Dubai oo kamid ah Imaaradaha isu tagay ayaa wax aan laqmi Karin ku tilmaamay sida Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo muddo dheer ka mashquulsanayd danaha Imaaraatka ay marqura u kala furfurtay xargihii adkaa ee dalalka laga eryay dalkaas.
Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Tuke Cambaar leh ka dhex noqday Dalalka Carabta, markii hore waxaa jiray eedeymo culus oo ka dhan ah balse arrinta markii dambe waxa ay noqotay mid si rasmi ah usoo shaacbaxday lagana eryay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.
Dalalka uu dhibaatooyinka ku hayay Imaaraatka waxaa kamid ah Soomaaliya, Liibiya, Yemen, Suudaan & Kuwo kale, waxaa dhismay Isbahaysi ka dhan ah oo ay ku mideysan yihiin Sacuudiga, Turkiga iyo Masar oo ugu dambayn ka guulaystay Xukuumadda Imaaraadka.
Mustaqbal
