Danab & Daraawiishta DG Jubbaland oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Jubada Hoose   

Ciidamada Iskaashanaya ee Kumaandooska Danab & Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno hoostaga Magaalada Xeebta leh ee Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidankaan oo si buuxda dib ugu qabsaday Magaalada Kudhaa ayaa kordhiyay howlgallo ka dhan ah deegaannada ay kasoo duullaan tageen ‘AS’ si ay uga hortagaan inay dib isu soo abaabulaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Kumaandooska Danab ayaa kaalin wayn ka qaatay howlgalka ka dhacay Kudhaa, Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah oo Daraawiish ah geeyay Kudhaa si ay amniga u xoojiyaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Turkiga oo Soomaaliya u Tababaraya Ciidamo cusub

Read Next

Madaxda Sare ee Imaaraatka oo isku khilaafay Jabka Diblumaasiyadeed ee soo gaaray Dalkaas