Maamulka Sh.hoose oo dal baday boolis dheeraad ah

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa dowladda Federaalka ah ka codsaday in Ciidamo Boolis oo dheeraad ah la geeyo Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose C/Fitaax Xaaji Cabdulle,ayaa isaga oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay in amaanka Magaalada Marka uu soo hagaagagyo islamarkaana ay muhiim tahay in Ciidamo Boolis ah lagu kordhiyo.

Waxaa uu sheegay in shacabkii ka barakacay Magaalada Marka ay hadda billaabeen in ay dib ugu laabtaan maaddaama Dowladda Federaalka ah la wareegtay sidoo kalena Ciidamo Boolis ah la geeyay.

Ciidamada Booliska ah ee la geeyay Magaalada Marka ayuu sheegay in ay yaryihiin marka loo eego baahida ay Magaalada u qabto Ciidamo Boolis ah oo amniga Magaalada suga.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Magaalada Wanllweyn shalay ku yeeshay kulan looga hadlayay waddooyinka ay AL-shabaab go’doomiyeen ee Gobolka iyo Isbaarooyinka yaalla inta u dhaxeysa Baydhaba iyo Wanllaweyn.

Mustaqbal media

Read Previous

Cousin of Garissa governor ‘plotted to kill ex-Garissa Minister

Read Next

ONLF oo beenisay in Qalbi-dhagax xil looga magacaabay Ismaamulka Soomaalida